VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dheeman mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahmed Biif
Dheeman

Jacaylkaan la dhuubtayee
Cunihiina iga jaray
Dhakhtar lagala quustoo
Dhaawacay naftaydee
2x
Dhayalbaan uu qaatayee
Nafta dabarka celisiyoo
Dhuuxiyo wadnaha dagay
2x
Igu dhaliyay anigoo
I dhalaali laabtoo
Dhaqdhaqaaqi waayee
Aaway dheemantaan rabay
Aaway dheemantaan rabay
2x
Hadii aadan dhiniciyo
Igu qaban dhabtaadoo
Igu dhakhsoo hawlahaa
Naftu dhimasho waa u hadhee
2x
Timahaagana dheeree
Dhexda iyo garbaha dagay
Dhaayihii ku daawadaa
Kugu dheegagaayee
2x
Ubixii dhulkeeniyo
Dhibic roob la moodyeey
Xaragada u dhalataay
2x
Dhaladkii haweenkee
Dhererkiyo lixaadkiyo
Qurux loo dhameeyaay
Waan kugu dhadhabayaa
Adaan kugu dhadhabayaa
2x
Hadii aadan dhiniciyo
Igu qaban dhabtaadoo
Igu dhakhsoo hawlahaa
Naftu dhimasho waa u hadhee
2x

codkii Ahmed Biif