Armuu i dilaa cishqigu
armuu diihaal jaceyl nafteyda dugaashadaa aniga
haduu cilmi doogta dhigay
armuu anna igu daraa
qabrigay ii daadahshaayoo diiwaanka
diiwaanka armaan galaa anigu
dawooy, dawooy anigoo ku jecel
jidhkeyguna kuu damqado
armaad iga doorsataayoo
cishqiga igu deyrisaayoo
dalxiistaa meelo kale adigu
danteena adaa hayee
taladaan kuu deynayaa
adoo ii diirnaxaaya
qalbiga raxmad iiga doon

Armuu doog igu noqdaa
nimaan doorida mudneyn
armey dantu caawisaa isaga
haduu caashaqu i dilo
armaad adna daanadaa
docdaada ka yeelataayoo dariiqii
dariiqii hodan martaa adigu
anoo, anoo kuu daacadoo naftuna kuu daalantahay
armaad axdi doorisaayoo
cidlada igu deyrisaayoo
dalxiistaa meelo kale adigu
anoo, anoo kuu daacadoo naftuna kuu daalantahay
armaad iga doorsataayoo
cidlada igu deyrisaayoo
dalxiistaa meel kale adigu
danteena adaa hayee
taladaan kuu deynayaa
adoo ii diirnaxaaya
qalbiga raxmad iiga doon

Exit mobile version