Jacaylku haduu cuslaadoo
Curuuqdiyo dhuuxa gaadho
Malaha cashar iyo dabiibii
2x
Intuu dhalinyaro curyaanshey
Cuntiyo dhaqashaba uu diidey
Tiriyo cadad laguma koobeyn
2x
Aniguu caawana I helay
Badweynbuu igula cararoo
Mawajada Culus ila dabaashey
2x
Adoo iga caawinaaya
Tix galinaya cabashadayda
Caleentiyo ubaxa hooyiyo
Cawiyo sami ila wadaag
Cawiyo sami ila wadaag
2x
Cilmiyo layla wuxuu u geystay
Hebliyo qeys siduu yeelay
Cali iyo Hodan tii ka gaadhey
2x
Intuu cadibeey dhaqaaqdey
Imisuu ciirsibaa u diidey
Cawaaqibo xumaan ku reebay
2x
Aduun iyo camaladeeda
Markaan u calool nuglaadey
Miyay ii calan walaysay
2x
Adoo iga caawinaaya
Tix galinaya cabashadayda
Caleentiyo ubaxa hooyiyo
Cawiyo sami ila wadaag
Cawiyo sami ila wadaag
2x

Exit mobile version