Xidigtaan arkaayiyo
Asalkaan xiriirsaday
Xabash iyo barwaaqadu
Xero qudhay ka muuqdaa
2x
Xigashana warkayga
Uu xifaalo Rooneey
Xigtadiyo dadkeenaa
Xilo Iskaga keen dhigay
2x
Waxaan kuu xanjeer dubtaa
Warku xiiso yeeshaa
Adoo xiga dhankaygee
Xakamaha ha sii deyn
Xakamaha ha ka sii deyn
2x
Xaga iyo xagaaba dayay
Haweenkana xisaabiyey
Dubayoo dhan soo maray
Qof xumaan ku sheegana
Xaawo sharaf Xaawo luula
Xaawo Nuura maan arag

Xaga iyo xagaaba dayay
Haweenkana xisaabiyey
Xamaroo dhan soo maray
Qof xumaan ku sheegana
Xaawo sharaf Xaawo luula
Xaawo Nuura maan arag

Ka xuluushey waayaha
Naftan xiiso loo helay
Jacayl xalaaliyo
Xog ogaalku waa adi
2x
Xubintaad halaysiyoo
Hanti kuguma xaasidin
Xamaantiyo xusuustana
Xero xeradoodu waa adi

Xubintaad halaysiyoo
Hanti kuguma xaasidin
Xigtadiyo dadkeenaa
Xilo Iskaga keen dhigay

Waxaad xumo ka leexdaa
Xabxab kaga bogsoodaa
Adigoo xiga dhankaygee
Xakamaha ha sii deyn
Xakamaha ha ka sii deyn
2x
Xaga iyo xagaaba dayay
Haweenkana xisaabiyey
Dubayoo dhan soo maray
Qof xumaan ku sheegana
Xaawo sharaf Xaawo luula
Xaawo Nuura maan arag

Xaga iyo xagaaba dayay
Haweenkana xisaabiyey
Xamaroo dhan soo maray
Qof xumaan ku sheegana
Xaawo sharaf Xaawo luula
Xaawo Nuura maan arag

Exit mobile version