Dooqa adigoo helay
Iyo dagin barwaaqo ah
Ayaa lagu ducaystaa

I dishayee adaan
Dumar kuugu jeclahay
Kuna doonayoo
Daacad kuu ahee

Naftii aad dulutaa
Ku dul taaganee
Aad daryeeli waydee

Daruur roorta iyo
Gacmo huurayaa
Daruur roorta iyo
Gacmo huurayaa

Dabinkii jacaylkaa
Ii kaa duleeyee
Dabinkii jacaylkaa
Ii kaa duleeyee
Adna duudka iga rar
Dabnahayga gali
Dabnahayga gali
Dawadaydiiyeey

Dad is doorta iyo
Dookh wada jiraa
Duunyo lagu dhaqaa

Darisku ay ogaadeen
Inaan kuu il daranahay
Dacalada aduunyada
Siruu iima daayeen

Inaan kala dayawnoo
Cadawgeenu diirsado
Dawgeena maahee

Danbi ha iga galin
Kuma dayn karaayee
Danbi ha iga galin
Kuma dayn karaayee

Dabinkii jacaylkaa
Ii kaa duleeyee
Dabinkii jacaylkaa
Ii kaa duleeyee
Adna duudka iga rar
Dabnahayga gali
Dabnahayga gali
Dawadaydiiyeey

Dabnahayga galin
Dabnahayga galin
Dawadaydiiyeey

Exit mobile version