Arin lama filaanoo
Isku kay luraayoo
Tii ani ale ii qoray
Ifka kuma noolee

Weydaan ogaynee
Dadka reer afgooye
Weydaan ogaynee
Dadka reer afgooye

Ma yaxaaska dooxiyo
Af yaqaana jeerta
Ma yaxaaska dooxiyo
Af yaqaana jeerta

Dad madow waraystoo
Mudo ii hadeeya
Dad madow waraystoo
Mudo ii hadeeya

Wabiyaasha awliyo
Bada oogadeediyo
Uurkeeda baarayee

Ila tali waxgaradoow
Ma ergaan diraayoo
Umadaha islaamkee
Xaqa hoos u eegaa
Arintayda geeyaa

Ambatooy naftaydaa
Ogolaatay duurkaa
Dhul abaari haysoo
Oon looga guuro

Aar iyo shabeel iyo
Abris goola mooyee
Aar iyo shabeel iyo
Abris goola mooyee

Kay tahay ugaadii
Cidi aanay oolbaa
Kay tahay ugaadii
Cidi aanay oolbaa

Ku maqnaa ayaanoo
Ka ardaa sameystoo
Ku maqnaa ayaanoo
Ka ardaa sameystoo

Gabigeed aduunyada
Adinbaan ku kooboo
Socod iima laabna ee

Ma sidii ayuunbaan
Dhib la aamusaayoo
Wuxuu yahay ayaankay
Iimaansadaayoo
Samir eebe qaataa

Exit mobile version