dhulkayga dhamaan
markuu dhibic roob
dhawr ku dhacoo
dhudhumuhu biyaha
dhooleey hurdaan
dharaar iyo labee

ciidu dhaashatoo
dhirtu malab dhashaa
dhigood ii tahee

sida laba is dhalay
aan is dheelinee
igu qabo dhabtoo
hada soo dhaqaaq

geela dhogorta wacan
markuu dhaystaa dhigoo
qaalmihiisa dhalay
dhay xoorlihiyo
danbar laga dhamaa

dhaqankiyo hidaha
dhaxalkii awoowe
waad ku dhaadataa

dhiigoo wadnaha
dhuuxiyo laafaha
jacayl waad dhigtee
ii soo dhawoow

Exit mobile version