Hasha geel
Hasha geel hoodka saraa
Gunguryaysataa
Waxayga hoos ku yaal
Hamigeeda ma siisee

Ani waa habaabee
Hami waa hungoobee
Ani waa habaabee
Hami waa hungoobee
Waa xabaaranaayee
Hoorhoorka heynu haste
Hoorhoorka ninu haste

Mudo dheeraan hurdaayee
Hada leen naf iree
Hoo habaaska i qaad

Hooga anaa usoo hiishoodee
Aan heebihaayee
Ka hari weysee
Waa ku haysataa

Hanti maa
Hanti maa ninkii helee
Hanaanaysan waayee
Ma huree halaaticiisa
Maa gaaree

Marna waa ku hodantaa
Marna ku hurtaayee
Marna waa ku hodantaa
Marna ku hurtaayee
Hagar walaaleed ma haboonee
Haadhaadkii tog ma iigu xoree
Haadhaadkii tog ma iigu xoree

Hawa beenaan helaayee
Hangartaad i dilee
Wax ma ii harsanee

Hooga anaa usoo hiishoodee
Aan heebihaayee
Ka hari weysee
Waa ku haysataa

Exit mobile version