sida halowga goodkiyo
hoobanta midhahoo
hawd bari ku taala

ma ogtahay hibaaqay
naftayda had iyo jeer
kuu heesta adigoo
haasawe kaligeed

waa halis jacaylkuna
qofkii uu haleele
hadman weeyi goortaan
naftu ku heli doontaa

sida heego curato
dibi taqay xareedii
hilaagii nugaaliyo

ma ogtahay hibaaqay
naftayda habeenkii
hurdo kugula nool
aduun kuu hadrayse

hoqbaad igu abuurtaye
igu hawl badnaantaye
hadmaan weeyi goortaad
ii hii i intooda

Exit mobile version