Nafta waan u huriiraa
Waan u soo hileynaa
Hadeer waan u dhimanaa

Hogoshoo da,aysaa
Anigoo haraad qaba
Abaar waa ugu hoyonlaa

ma se heli karayee
Iskaybaan u harayaa
ma se heli karayee
Iskaybaan u harayaa
Markaa ii haysoo
Hadalna igu raacdoo
Adaan kula hadlaayaa

Haybada iyo quruxdaa
Iyo hanaanka wacan
Waa hibo aad leedahe

Aar wuxu waa haweenoo
Haweenaa waa caruuroo
Markay hoy kuu gasho
Habeena kuu dhaxdo
Jinibaa u heesee

Abaal ii hambayso
Nabad ha igu tuugtee
Walaalow ha ciilin
Hodan ha iga ciilin
Walaalow ha ciilin
Yarta ha iga ciilin
Walaal ha iga ciilin
Hodan ha iga ciilin

Sharafbaa la huwanyahee
Hadal yuu san kaa fakan
Hiigayga maan dagin

Wax iiney hor keenaa
Heshiis waan u baahnee
Haa waa iska odhan laa

Wuxuu hinaase maahee
Wakhtigaa iga hiishee
Wuxuu hinaase maahee
Wakhtigaa iga hiishee
Marka loo hanweynyoo
Dartii la ii haligayoo
Adaan kula hadlaayaa

Habeen dhalad inaa tahay
Ee aad habaar qabin
Layskuma hayee

Aar wuxu waa haweenoo
Haweenaa waa caruuroo
Markay caawa hoyataa
Waxyaalahay hubin
Hoos kuugu sheegtaa

Abaal ii hambayso
Nabad ha igu tuugtee
Walaalow ha ciilin
Hodan ha iga ciilin
Walaalow ha ciilin
Yarta ha iga ciilin
Walaal ha iga ciilin
Hodan ha iga ciilin

Exit mobile version