gabadhaan beryahan
baadi goobka ugu jiraay
buuraha ohaayiyio
kollanbaasay ku nooshahe

bilacda iyo nuurkan
boqorka u hibeeyo
baahi laguma soo korin

hana bilic haldhaa
kama baaqan karaayo
beerka iyo laabtiyo
boga igaga taala

bulshayahay rag iy dumar
hadaan laysu baahnayn
baaq la isu diraayiyo
bana lama wadaageen

qalbigad bogsiise
balantii aan dhiganaan
kolay baaji maysid
boqol iiga rooney

biyo dahab la moodye
barta aad ka maqan tahay
way iga banaantahay

boholyowga caashaqa
adiga igu beere
waan kuu bukaaye
barbarkaada ila qabo

Exit mobile version