qadar canaan maleh
qaladna waa lasixi jirey
labada isu qalantana
qaar kala dilaayoo
isu qoonsadaa jirAa
calaf lagaama quustee
qaban qaabadaan waday
qormadii aynu degaynay
ayaan weli qorsheeyaa
wadnaha dhiiga qaadiyo
qalbigaa ku tabayee
qeyrkaed urooneey
qiimahaad leedahay
waa inaan qorshooyaa
qodob qodob usheegaa
qotonkiyo ujoogaa
qunyar socodka laafyaha
markaad kor uqaadaada
waax yaha kala qoran
dhexda qalan j moodiyo
qoortiyo cabaadhyaha
sunayaasha qalinka leh
timaha dhabarka qariyiyo
qosolkiyo jaleecada
waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadariya
hablaha qureysheed
qoomkii fardowsee
qofkii ku eegee
indhii ku qaayibey
waabey ku qushuuceen
qadarkii ku umaaa
quruxdii aduunyada
kuu siiyey qayboo
laga qaadi maayee

Exit mobile version