waayaaha aduunyada
waax aqaadan mayside
ruux walaal ku moodaa
oo ku weheshadoo
eed wacad ka diidaa
waran kaad ku tuurtaa
kugu weecan adiga ee
jaceyl kama waareystee
laygu waabereystee
halbowluhu ma wado dhiiga
wadnuhuna ma siibee
wadkeygiii ha noqonine
hadad adigu wacan tahay
ani way haraadee
sida waalanahybaa
laygu wiirsadayee
way ila taliyaan
waanadiisa diidee
adigaa i wiiqeee
waar war laguma waaree
nafta kugu ma reegtee
gacmo wada jirkooday
wax ku goyn karaanee
midna ma geel waabteeen
waxa keli ahaadee
weedhaa ufiirsoo
arimaan wadaagnee
waayahay aan kaa helo

Exit mobile version