sida mayeey arooryaad
miiraala soo kacay
meel miran jilbaha dhigay
dhirtu ay magooshoo
maanka iyo cadaygii
isku maydhax sooomeen
dhulkaba uruq kasoo baxay
muran uu dhex yaalo
anaa kaa macaanoo
maxaanay masciideed
madal laysu marin karin
maanshee barwaqaa
muuqooda inan yahay
mar mar baan ku moodaa
ama kugu masaalaaa
marna lagaama maaarmee
maalintaan ku halacsadey
meel nimala inaad tahay
mad madow igama gelin
deyxoo naqoobiyo
maalmo gelin daruuriyo
maal mahaa shan iyo toban
glyuhu na buuxsameen
madaxyada falaadhaha
cadceeduna mudh soo tidh
ishu muuqsigeedii
mililica jaleecada
anoo meel ka daawada
muuqooda inan yahay
mar mar baan ku moodaa
ama kugu masaalaa
maarna lagaama maarme
meel dhiman inaad tahay
mad amdow igama gelin

Exit mobile version