gadh cadaada odagiyo
soomaalaay ugurmada
gambooleyda dumarkiyo
gedigood caruurtii
gaajey la liitaan
waxna geeriyoodeen
galowgiyo ugaadhii
geelidiyo fardaha iyo
geeslayda oo idil
abaarbaa gilgileysee
soomaalaay ugurmada
webigii ganaaliyo
gudhe ceeleshiiyo
dhulka geed ma soo boxo
lama goosto beeraha
gesiinkii la cuni jirey
galo lagama soo helo
gacantii wa haysiyo
ganacsade iyo maal qabe
gidigin istaagoo
ugurmada gedigiin
gacal kayow idinkuna
gacmihiina uhursada
guule weyn ilaahay
asagaa gargaaree

Exit mobile version