ubaxii aan jeclaa
indhahayga aragtidaa
kugu arwaaxay eegmada
idilkood hablaha kacay
amiirkood inaad tahay
ku adeecay aniguye
axdigii ilowdaye
yaa eeda kaa galay
afar saac habeenkii
adummnbaa ku sugaayoo
oo aragtidaadan
abshiraysanaayey
orod igu dhaaftaye
ani maa eeda kaa galay
hadaan aaminjirinoo
isku uursamaaneyn
aayatiin gaadhi maynee
waa ii ayaan daro
inaan kala irdhowno
aragaaga arki waayee
ma adoo kalaa ifka lagu arkaa
aayatiinka noloshiyo
ileyska nafteydaay
taan eeganaayay
iimaanka deeqdaay
ma adoo kaleetaa
dumar lagu arkaayaa
ilwaad qurux wanaageey
inantii iideeqdaay
eegtaa ma sheegan
uurkiyo dhibaatada
ka afeef wanaagee
ulajeedadeenuna
waa aqal gal keena

Exit mobile version