bilawgiii kalgacalkiyo
baaxaadagi hore
waa taynu beernoo
beryo wada cawaynoo
nafta badanka laabtiyo
boga iyo wadnaha dagay
miyaad igaga baxaysaa
boogtaadiyo xanuunkiyo
baahidaan aan kuu qabo
marna miyaanad bilaneey
ii beernaxaynooo
bogsinadayda doonayn
nabsibaa ka baqayaa
markaan anigu baansamo
inaad kali la boydoo
caashaqu ku beegsado

balnkii u galay beri
waxa baylah dhigayee
baabiiyay wacadkii
halis kama badbaade
qofka boholo dhaadheer
booraamo kala dhacay
miyaad igu bilkaydaa
baga iyo ku digashiyo
waxaan igu banaanayn
bahdiliyo lugooyiyo
inaad boqori heentaa
biyo dhigo warkaagee
nabsibaa ka baqayaa
markaan anigu baansamo
inaad kali la boydoo
caashaqu ku beegsado

Exit mobile version