daacadban ku moodo
maqlay doodahaagi
naa hoy dumaashay
warka derka ka cadee

duqowdii horeete
anaa duuga baa tidhi
naa hoy dumaashay
midha noocday kala saar

balnimo u dhalashiyo
doqonimo waa shile
xaawaleyda dumarkana
dumashan ka nacaye

daacadba ku moodo
dab maqalka kaa shitay
naa hoy dumaashay
shibirihii aad daadisay

dambas hooli lagu daday
ha duudubin hadalka
naa hoy dumashay
warka diirka ka cadee

balnimo u dhalashiyo
doqonimo waa shile
xaawaleyda dumarkana
dumashan ka nacaye

Exit mobile version