inkastoon gobaadeey
gobonimo milgiyo sharaf
samo kugu gardaadshoon
gacmahayga kugu siday

waxaad laabta galisiyo
goohaaga hibashada
ana kugu gargaaroo
guulayso ku lahaa

hadaad goysay wacadki
jacaylkii gu'yaal jiray
abaad godob xanbaartay
waanad guran abaalkii
gooray ahaataba

inkastooon gobaadeey
gabal dhaciyo waabari
guubaabinaayoo
garbaha aan taagnaa

gacaltooyo awgeed
guulaad ku faantiyo
galbis iyo aroos
gobaad kula jeclaa

Exit mobile version