hiirtaanyo dhigay naftu daysay hadal wel wel igama haroo hami iyo qamibaa hoy iga sameestee x2

habaar qabe jaceel baa haan ii biyaystoo heeryo idul saaree x2

hogaan igu adkeeyoo sida owr hayina baa ii laba cadeeyoo x2

howl ii dhamaatoo harka maalin wayntii hanfi iyo kuleel iyo cadowbaa imarayee x2

horintaan la noolahay hadal lama wadaagoo hindisahaaga umbaan soo hibanayaayee x2

waxan had iyo jeer habeen iyo dharaar hadaan heli karaayo haka oran lahaa adigoo hortaydiyo hareertayda joogee x2

sida geed haracoo haro iyo kuyaal wabi hoobaantu qarisoo hoosiis qabooboo indhuhu ay haliilaan x2

harkoodaan macaanoo caleemuhu huwinayoo miruhu ay ka hoobtaan x2

ama hayba geeloo howd iyo danood iyo sabadii hagoogane x2

gugu uu ku helayoo hadba geedka dooga leh hanadkii usha u siday ku hor jaag sanaayee x2

birqanayso xidigaha ayaad halacsi daymada hubaal iiga dhigan tahoo naftaa kugu hadraysee x2

waxan had iyo jeer habeen iyo dharaar hadaan heli karaayo haka oran lahaa adigoo hortaydiyo hareertayda joogee x2

Exit mobile version