VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubaxii jacaylka - Lyrics

Axmed Olol Inshaar Ubaxii jacaylkaay adaa iga astaahila amaaniyo bogaadin hoo iga hoo axadiyo xalaashii waalidkeed asluubtiyo anshaxiyo hiddaha baray oori nimaad u noqotaa aleyliyo aleylahee ayaaniyo nasiib leh indho iyo indhee jecel isku aragti weeyee ku arkayee ma kulanaa Shankaroon Intii aan ku odhan laa waad igaga horeysoo afkeygaad kala baxdee adaa iga mudan ab weeye wax garadkee runta odorasayee aqoontiisu weyn tahay xaqa lagama iishee aleyliyo aleylaheee inaad aar libxaax tahee noloshayda aayahay ka sakow ilaahay adigaa masuulka ahee Axmed Olol Inshaar Iliiliyo war xoolood intuu aare roob heley dhibtaa lagu ilaawoo lagu oon baxay ayaad iiga dhigantoo eegmadaa jaleecada indhahaad u roontee oori nimaad u noqotaa aleyliyo aleylahee ayaaniyo nasiib leh indho iyo indhee jecel isku aragti weeyee ku arkayee ma kulanaa Shankaroon Sheeko uur jacayl galay af-gobaadsi maahee aragtaye miyaan wali ujeedada idhi eed ka li id xagaygee isagaa awood lee ilaah raali kaa noqey xaqa lagama iishee aleyliyo aleylaheee inaad aar libxaax tahee noloshayda aayahay ka sakow ilaahay adigaa masuulka ahee
Queue is empty
-- / --