VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ubaxii jacaylka mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahmed Inshaar
Ubaxii jacaylka

Axmed Olol Inshaar

Ubaxii jacaylkaay
adaa iga astaahila
amaaniyo bogaadin
hoo iga hoo
axadiyo xalaashii
waalidkeed asluubtiyo
anshaxiyo hiddaha baray
oori nimaad u noqotaa
aleyliyo aleylahee
ayaaniyo nasiib leh
indho iyo indhee jecel
isku aragti weeyee
ku arkayee ma kulanaa

Shankaroon

Intii aan ku odhan laa
waad igaga horeysoo
afkeygaad kala baxdee
adaa iga mudan
ab weeye wax garadkee
runta odorasayee
aqoontiisu weyn tahay
xaqa lagama iishee
aleyliyo aleylaheee
inaad aar libxaax tahee
noloshayda aayahay
ka sakow ilaahay
adigaa masuulka ahee

Axmed Olol Inshaar

Iliiliyo war xoolood
intuu aare roob heley
dhibtaa lagu ilaawoo
lagu oon baxay
ayaad iiga dhigantoo
eegmadaa jaleecada
indhahaad u roontee
oori nimaad u noqotaa
aleyliyo aleylahee
ayaaniyo nasiib leh
indho iyo indhee jecel
isku aragti weeyee
ku arkayee ma kulanaa

Shankaroon

Sheeko uur jacayl galay
af-gobaadsi maahee
aragtaye miyaan wali
ujeedada idhi
eed ka li id xagaygee
isagaa awood lee
ilaah raali kaa noqey
xaqa lagama iishee
aleyliyo aleylaheee
inaad aar libxaax tahee
noloshayda aayahay
ka sakow ilaahay
adigaa masuulka ahee

codkii Ahmed Inshaar, Shankaroon Ahmed Sagal