Magool

Hubqaadkaaga wanaagsan
Hanaaanka oo wacan

Ayaa I halafsanayee
Ila hadal adigaan kuu hanwaynee.

Axmed

Sida hilaac indhihii kugu haftoo
Hoobaan ku moodiyo hir dooglee

Ii hogaansan anigaa kuu hanuunsane

Magool

Aan heshiino, aan wada heyno
Ii hiloow waan kuu heelanahee.

Axmad

Aan is helno, aan is hanano
Ii hiloow waan kuu heelanahee.

Magool

Sida hogol da aysoo
Loo qabo haraad wayn
Ayaan kuu handanaya
Ila hadal adigaan kuu hanwaynee.

Axmad

Hedaydii adigaa u halisoo
Halbawlii wadnahaad I heeysaa
Ii hogaansan anigaa kuu hanuunnsane

Magool

Aan heshiino, aan wada heeyno
Ii hiloow waan kuu heelanahee.

Axmad

Aan is helno, aan is hanano
Ii hilow waan kuu heelanahee.

Magool

Anba waan halcanayaa
Kuu hafeefanayaaye
Hilbihey damqanayee
Ila hadal adigaan kuu hanwaynee

Axmad

Hawlihii kalgacalkaa ina heysto
Hakran mayo wixii aan hadayee

Ii hogaansan anigaa kuu hanuunsane

Magool

Aan heshiino, aan wada heeyno
Ii hiloow waan kuu heelanahee

Axmad

Aan is helno, aan is hanano
Ii hiloow waan kuu heelanahee.

Exit mobile version