Xaliimo:-

afar iyo tobnaad iyo
dayaxii aduunkoow

Axmad:-

iftiinkii arooryo iyo
cadceedii aduunkaay

Xaliimo:-

markaan ku eegaba
indhahaad u roontee.

Axmad:-

anna aragtidaadaa
iimaanka deeqdee

Xaliimo:-

amaantaada inanyahaw
inyarbaan ka sheegee
maxaan kugu idhaahdaa
Alaa ku dhameeyee.

Axmad:-

amaantaada inayahey
inyar baan ka sheegee
maxaan kugu asteeyaa
alaa ku dhameeyee.

Xaliimo:

Sidii oogta waabari
ilayskii aduunkoow

Axmad:-

sidii ubaxa beeraha
udgoonkii aduunkaay.

Xaliimo:-

wixii uurka kaa gubey
afka lagama dhawree.

Axmad:-

Ruuxii ibtilo qaba
lama aamusiiyee.

Xaliimo:-

Amaantaada inanyahaw
inyar baan ka sheegee
maxaan kugu idhaahdaa
alaa kuu dhameeyee.

Axmad:-

Amaantaada inanyahay
inyar baan kasheegee
maxaan kugu asteeyaa
Allaa kuu dhameeyee.

Xaliimo:-

Sidan kuu ogsoonahey
amaankii aduunkoow.

Axmad:-

sidaan kuu aqoonsanahay
asluubtii aduunkaay.

Xaliimo:-

Aadaniyo Xaawaa
dhibta lagu abuuree.

Axmad:-

Iyagaa jacaylkii
u adkeeysan waayee.

Xaliimo:-

Amaantaada inanyahaw
inyar baan ka sheegee
Maxaan kugu idhaahdaa
Alaa kuu dhameeyee.

Axmad:-

Amaantaada inanyahey
inyar baan kasheegee
maxaan kugu asteeyaa
Alaa kuu dhameeyee.

Xaliimo:-
anigaa is keeniye
ugaaskii aduunkoow

Axmad:-

inagay is aroosiye
ayaankii aduunkaay.

Xaliimo:-

Araweelo iibixi
Anaa kuu ogolaadee.

Axmad:-

Odeey Biiqey igu sheeg
anba kuma Ilaawine.

Xaliimo:-

Amaantaada inanyahaw
inyar baan ka sheegee
Maxaan kugu Idhaahdaa
Alaa kuu dhameeyee.

Axmad:-

Amaantaada Inanyahey
inyar baan ka sheegee
maxaan kugu asteeyaa
Alaa kuu dhameeyee.

Exit mobile version