Aamintaaye aamin
Taaye naftu orodbay
Kugu aamintaa x2

Anigiyo dugaagaa
Abtirsiinyo noqon-
Ayoo idil habar dug-
Aag baa ii wada ad-
Eegoo intay i ag
Yimaadaan naxariis
Ilmeeyee x2

Aamintaaye aamin
Taaye naftu orodbay
Kugu aamintaa x2

Sool ooman aay tiq-
Aan nafta kula asqoo-
Boo u itaal dareeyoo
Socod igu adkaayee
Waxaan eersanaayaa
Waa adimadaydee
X2

Aamintaaye aamin
Taaye naftu orodbay
Kugu aamintaa x2

Ahaan mayso dinidani
Sida aad umoodoo
Ana urugo iyo ciil ku
Idlaysan maayee
Waxa iman ayaantii
Alle aan ka sugayee
Alle aan ka sugayee
X2

Aamintaaye aamin
Taaye naftu orodbay
Kugu aamintaa x2

Exit mobile version