Afar iyo tobanadiy
Dayixii aduunkoow

Iftiinkii arooriyo
cadceedi aduunkaa

Markaan ku eegaba
indhahaad u roonte

Ana aragtidaa
Iimaanka deeqde

Ammaantaada inanayhoow
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu iridahaa
allaa kugu dhammeeyee

Ammaantaada inanyahay
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu asteeyaa
allaa kugu dhammeeyee

Sidii awfta waa beri
Ileeyskii aduunkaa

Sidii ubaxa beeraha
Udgoonkii aduunkaay.

Wixii uurka kaa gubay
Afka lagama dhowree

Wixii ibtilo qabo
Lama aamusiyee.

Ammaantaada inanayhoow
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu iridahaa

allaa kugu dhammeeyee

Ammaantaada inanyahay
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu asteeyaa
allaa kugu dhammeeyee

Sidaan kuu ogsoonahay
Amaanki aduunkkoow.

Sidaan kuu aqoonsanahay.
Asluubtii aduunkaay.

Aadan iyo xaawa
Dhibta lagu abuuree.

Iyaga jaceylkii
u adkeysan waayee.

Ammaantaada inanayhoow
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu iridahaa

allaa kugu dhammeeyee

Ammaantaada inanyahay
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu asteeyaa
allaa kugu dhammeeyee

Anigga is keeniye
Ugaaskii aduunkoow

Inaggay is aroosiye
Ayaankii aduunkaay.

Arawelo ii bixi.
anaa kuu ogolaade.

Oday biito igu sheeg.
anaba kuma ilaawee.

Ammaantaada inanayhoow
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu iridahaa

allaa kugu dhammeeyee

Ammaantaada inanyahay
inyar baan ka sheegee

maxaan kugu asteeyaa
allaa kugu dhammeeyee

Exit mobile version