Canabeey sidaan qabo
Cirkoo wada daruur iyo
Fad cadaan ah keenoo
Muuqanin cad ceeduna
X2

Dhulku uu cagaar iyo
Cosob gaara leeyahay
Cuud kuna inoo dhalay
X2

Dhalin yaroo ciyaartiyo
Cada loolka fiid kii ku
Caweysay sheekadaa
Cimri ha isku keensimo
X2

Cisho roobku uu da'ay
Iyadoo ay ciid tahay
Dhirtu caadadeediyo
Carfi gaar ah leedahay
X2

Oo cidhifka reerahaa
Ubax caynba cayn ihi
Is cidhiidhshay kaymaha
X2

Gabdhuhuna cidaad iyo
Dhiilka culayga saareen
Caafimaadka nololeed
Cimri ha isku keen simo
X2

Exit mobile version