Haduu sahan go’doomoo
geedo doonayaan.
Gaajiyo haraad haday
markay gabax noqdaan.
Aar meel uu sii galay
haday gowracaan.

Garta kii wax garad ah
loo geysan jiree.
Gaaasiraay inaga yay
nakala gurayaa.

Gudidii is diidee
gashii kala dhex yaaloo
oo geeri iyo dhiig
garta inay dagaalaan.
ee geedi kala rara
uurku maarku kala galo
Garta ina sanweyna loo geysan jiree.
Gaasiraay inaga Inaga yay nakala guraayo

Haduu gu’gu da’oo
guunyadu dhashoo
iyo galab caraw
geedi loo lalabay.
geel jire haraadani
hadaa geesha uu gubo
Garta kii wax garada
loo geysan jiree.
Gaasiraay inaga
inaga yay nakala guraayo

Haduu guluf dhaqaaqo
maal gabgabeyaan.
Oo niman gabraartiyo
reer guri ka hoos kaco.
oolabada geesood
ku gobeey ahaatee.
Garta ina sanweyna
loo geysan jiree.
Gaasiraay inaga
inaga yay nakala guraaya.

Exit mobile version