Ma ogtahay daradeed
Riyo in aan ku daalo.

Aan badwayn dabashoo
Ka daadagay daruuraha.

Hadaan doog jaceyliyo
Galkacay ku daarine

Inaan dunida joogaa
daymada jaleecada

Sida geed dar laho culay
Soo kuma danuunicin

Ma ogtahay danteydiyo
wuxuu caashaq ii diray

inay tahay da’deyba
inaan amarka door biday.

Aan day dayaayaan
u dib jiray habeenadan.

Ma ogtahay dabiib iyo
dawadayda in ay tahay

Oo aan daynin oo
laygu daw galay,

Hadaan dood jaceyliy
Galgacayl ku daarine

Miyaan dunida joogaa.

Exit mobile version