Tiiraanyo cudur iyo
Nimay Towsi haysaa
Ileen taah madaayee
X2

Waxan tabanayaa
Baan wali tiig sadaa-
Yoo soo taabi waayee
X2

Itaageer allahayoow
Arin taydan kala taal
Adaa toosin karayee
X2

Turuqiyo Lixaad iyo
Tamaray iyo xoogaa
Jacayl iga tan roon
Baa
X2

Igu tiirshay geedoo
Xarig igu tig tigayoo
Waa anigan tasoobee
X2

Itaageer allahayoow
Arin taydan kala taal
Adaa toosin karayee
X2

Tabaallada adduunkee
Ninkastaba utaalaa
Anigay ituruqdoo
X2

Tagoogaha i jabisoo
Ka tallaabsan waayoo
Waan tiicayaayee
X2

Itaageer allahayoow
Arin taydan kala taal
Adaa toosin karayee
X2

Taariikhda Dunidaa
Ayadoo isdaba taal
Nin-ba meel ku tuurte
X2

Aniguna Tusmeestoo
Qayrkee halkuu tagay
Utabaa busheestee
X2

Itaageer allahayoow
Arin taydan kala taal
Adaa toosin karayee
X2

Exit mobile version