Midab aan cadaan
Iyo cowlaan ahayn
Oo daymada cajabi-
Soo lagu caajisayn
Iyo waxaad tahay
Mas ciideed x2

Wali waa caruuroo
Waa laan curdinahoo
Waxa loo carbinayaa
Sida faras colaad iyo
Dakane u cartamayee
X2

Cambaruudka naasaha
Caaradaha madoow iyo
Luquntaa cabaadhka
Leh iyo cududaheediyo
Kubab kaa isceliyee
X2

Wali waa caruuroo
Waa laan curdinahoo
Waxa loo carbinayaa
Sida faras colaad iyo
Dakane u cartamayee
X2

Suniyaha car ceeree
Cidhifka islagaadhee
Indha cowl lamoodoo
Caashaqa abuuraa
Igu beeray cudurkee
X2

Wali waa caruuroo
Waa laan curdinahoo
Waxa loo carbinayaa
Sida faras colaad iyo
Dakane u cartamayee
X2

Cir habeen da'aayiyo
Doog iyo caleenba leh
Ama rays cagaaroo
Ciiradu kaduushiyo
Cosobkay lamidab
Tahee x2

Wali waa caruuroo
Waa laan curdinahoo
Waxa loo carbinayaa
Sida faras colaad iyo
Dakane u cartamayee
X2

Exit mobile version