in kastuu dhibkiisuba
u badnayd dhankaygoo
caashaqii i dhaawacay

adna waa dhadhamisoo
dharaaraha ma moodine

muda badan is dhowrnayee
ma isku soo dhawaana
muda badan is dhowrnayee
ma isku soo dhaqaaqna
bishimaha dibnaha xubnaha
dibnaha dhakab ma isku siina
dhaaxani ha ina daysee

inkastoo aan dhuuniga
dhandhanaansi moode
an u dhaafay owgaa

ana dhawristaydu
dhulka kula wareega
haa haa wareega

muda badan is dhowrnayee
ma isku soo dhawaana
muda badan is dhowrnayee
ma isku soo dhaqaaqna
bishimaha dibnaha xubnaha
dibnaha dhakab ma isku siina
dhaaxani ha ina daysee

Exit mobile version