ogoow cordoo
calcalyada xareed
cadhadii dagtoo
ceegaagsataa

coso soo bixiyo
doog iyo caleen
cayncayn ahoo
isoo carfaa

naf ku cashaqdaa
ku cawaysatee
calan kuu sidee
caadadayda garo

cadar ceeblo oo
qorshe iyo wanaag
sharaf caadadeed
caadil siiyayoo

canabeey naftuna
wixii ciilayaba
cash ka gooynayoo
cadibaad ka dhawr

Exit mobile version