iyadoo ahayd inan
amarkii illahay
aabo tuu aroose
sahal ugu edegtay
hooyo macaaney hooyo

unugan ka beermay
anfaca la cunayiyo
oonkaba tii diiday
afkaba saari waudaa
hooyo hooyo macaaney

uurkiyo culaykiy
iyadoo itaal daran
tii ila ordaysay
adimada ka daashay
hooyo hooyo macaney

umasha iyo fooshii
midiidii afnaysnayd
midii lala abaaray
u calool adaygtaay
hooyo macaaney hooyo

abaalkaaga hooyo
abidkaa intaa jiro
ma ilaawi doone
jasada eebahay
hooyo janada ugul
ha ka yeelo aakhiro
aamiin aamiin

ifka goorti aan imid
ilkiyo xanunkiyo
durba tii ilowday
farxad iigu ilmaysaa
hooyo macaaney hooyo

abaab inta noloshiyo
afka macanaankiisa
adaabta dhaqankuna
anshaxa i baraysaa
hooyo hooyo macaaney

tii aqoonshe
ayaar i daryeesha
anigiyo asaagay
ixtriaam ka mudataay

gartideeda ahaday
tii lagu ishaaray
inta nool aduunyadu
wada amaanaan
hooyo macaaney hooyo

abaalkaaga hooyo
abidkaa intaa jiro
ma ilaawi doone
jasada eebahay
hooyo janada ugul
ha ka yeelo aakhiro
aamiin aamiin

Exit mobile version