sidii sanad barwaaqoo
dadku wada sugaayaan
sifaheedaoo kalaan
ana kuu sugaaye
bal salaanta iga qabo

sagal da'ay la moodyee
suuradaada quruxda le
waan ka samri waayee
miyaan kula simayaa

subaxii aan kulanaa
seexan waayoo laylki
sababtii caashaqaaga
wadnahayga sudhano
hablaha siina dheertee

sadkii SAATIR kuu qoray
sulekhaay seegi mayside
sanku neeflahoo idil
calafka waa u simanyahay
looma kala sareeyee

suuradahaa quraankaa
sifihaas cadeeyee
waa saxeex warkaygee

Exit mobile version