ma ogtahay suleekhaay
kalgacayl siyaadiyo
caashaqan sal iyo baar
inaan laabta kugu sido

ma ogtahay sideedaba
xiisahan aan suulayn
sabab inaad u noqotoo
sanka kaaga tolanahay

adna sidaan isleeyahay
kolay waad la socotaa
mar hadaan ku sahansaday
sabankii xun saaxiib
la iskuma safaadee
iga jooji suuraha

ma ogtahay suleekhaay
saqda dhexe alaylkii
inaan seexan waayoo
hurdadii ka suulee

ma ogtahay sideedaba
samri waayay awgaa
samiyo kalgacalbaan
kuu siiyay ila qabo

Exit mobile version