caasimad ilwaadiyo
bilic loo astaysaa
noobiyo ilayskii
afrika u baxaaye

asaaskii gobanimo
anba qaadisteeday
xaruntii afgaradkii
midnimmo is raacday

lama arag aduunyada
meel kugu astaano
anfac iyo dhaqaale
runta kula eekaysee
xamaray amaaniyo
nabad eebe kuu sahal

dugsigii aqoontiyo
tii laga aflaxaaye
ilbaxnimada meeshii
asalka u ahaydaa

agagaarka xeebtiyo
carradii udgoonayd
xaduntii islaamkiyo
degaan awliya tahay

lama arag aduunyada
meel kugu astaano
anfac iyo dhaqaale
runta kula eekaysee
xamaray amaaniyo
nabad eebe kuu sahal

Exit mobile version