waa la ii adimay axadii sidaan kuu eegayee
arageeda taan ku ildoogsadaay
ma ilowsantahay axdigaad martiyo
meeshaad i tidhi waan imanayaa
imasaan fariin ergo soo dirtoo
oontiyo biyaha hurdo aawaday
uga soomanayd
eed la iiga keenay midna amar ILAAHAY
kuma aan maqnaanine adiga iska baadh
hadaad i tidhaa iman maayo
ma aadeen halkaad ogsoontahay
indhahaa habeenkii ku ilaalinaayo
gabigeedba aduunyada
afarteeda waaxyood hadba gees u eegoo
anigaa isla hadloo mar waxaan idhaahda
ku ilaawi maysee way imane sii joo
mar waxaan idhaa axdigaydun dhigateen
kolna oofin maysee
samir EEBE qaadoo ka fagow agteeda
uurkayga galiyaa
aramida jacaylbaa i hogaaminaysoo
misna kama adkaystoo kama hoydo eydoo
naftu olol ma daysee
aamusnow habeenkii ugbaadkayga doogaan
jeedaaliyaayoo idilkood xidigaha afar qaaday socodkee
ubaxbaan guroo soo ururiyoo amrana u guree
oodee badnayd ku ila xidhoo ku agdaadiyoo
weheshada idhi
eedaanka diigoo oogsaday salaadii
waagoo iftiimaan kaligay inaan ahay
asaraar ka saaroon adimada cuskadayoo
dib usoo cadhoodee
bal siday ahaataba laba iftay caawee
qof amaano lumiyay iibsaday xilkiisi
samaan ugama aaro
aan kala warhaynaan ku af gooyay heestee
maxay adiga kula tahay

Exit mobile version