abshir weeyi guurkuye
aasaaska noloshee
waa wax lagu arwaaxoo
lagu aflaxo aduunyada

aramida kalgacalkuna
xaajo uguba maahee
aadaniyo xaawaa
noo ankumay iftiinkee

idinkuna gadeedii
kol hadaad aroos wacan
udubkiisii taagteen
alle mahadii weeyaan

labadii id fahantoo
sida digriyow iyo
najma oorisdiisa
nolol aayatiinliyo
ubad khayrle kala hela

mar haday asxaabtiyo
ehelkiyo qaraabadu
idiin sacab tumaayaan
way idiin ahaatee
ducadiyo amaantooda
aqbal iyo gudoon dhaha

Exit mobile version