Dalkeennoo aaminoo
Awooddiiisii lahoo
Amarku kala socanayoo
Dagaalkii lasoo afjaray
Anoo nool ma arkayaaa 2x

Ilaahbaa garanayee
Sideey nala tahay annaga
Haddaan umaddiisu gabin
Inshllh weey imaan 2x

Dalkeenoo udug lahoo
Ubuxu geeduhu qarshoo
Siduuu quruxda u egyahay
Indhuhu ku daraandaraan
Haddeertaanba arkayaa 2x

Ilaahbaa garanayee
Sideey nala tahay annaga
Haddaan umaddiisu gabin
Inshllh weey imaan 2x

Dalkeennoo aarsigiyo
Aanada lagu hoobta iyoo
Eexdii ka dhamaatayoo
Qabyaaladdii laga il baxay
Anoo nool ma arkayaaa 2x

Ilaahbaa garanayee
Sideey nala tahay annaga
Haddaan umaddiisu gabin
Inshllh weey imaan 2x

Dalkeennoo urursanoo
Aqoontu shaqaysa oo
Caruurtu iskooladiyo
Malcaamado aadayaan
Haddeertaanba arkayaa 2×

Ilaahbaa garanayee
Sideey nala tahay annaga
Haddaan umaddiisu gabin
Inshllh weey imaan 2x

Exit mobile version