inkastoo dhibkiisuba
u badanaa dhankeygii
caashaqii i dhaawacay
adna waa dhadhamisoo
dharaarahan ma moogide
heey heey ma moogide

muda badan is dhowrnaye
ma isku so dhawanaa
dhunkashada dibnaha
faruuryaha dhakab ma isku sinaa
dhaxani hayna deyse

inkastoon aan dhuuniga
dhandhanaansi mooyee
aan u dhaafay aawgaa
adna dhowristeyduu
dhulka kula wareegaa
haa haa wareegaa

muda badan is dhowrnaye
ma isku so dhawana
dhunkashada dibnaha
faruuryaha dhakab ma isku sinaa
dhaxani hayna deyse

Exit mobile version