xurmo u hadal
ku leeyahoo
xarfahaa aad xulataa
xeeldher is ogaa
murti lagu xardhaayo
xigmad lagu xusaa hadal

xeerbegtu siday tidhi
xaawaley kaskoodaba
xuub caaro weeyoo
markii aan xuldheeraye
xuuramay garashaday
xoogadan afka qalay
xifaaltana lagama karo

awr xariir ku dubacyahay
rarku wuu xumaada
xalow kale ma wadi karo
dumar waa xuljooge
xadkii way talaaben
waana xeerimaayan
xagahsan ma daayan
xal u raadi kii dhaho
ayay xarow u dhaamiyan

raguunbaw xabaalgala
diintiyo xornimada ee
halka dumar xinjiro ay
ku xasuuqu cadowga ee
xarbi uu ku galashayee

maad garan xadkaagiyo
halkaad xoog leedahee
xubigiyo kalgacalkiyo
xanaanaynta ubadkiyo
xarun ay nabadi taalo
waa xaafadi kale
iyo xeeladaada

awr xariir ku dubacyahay
rarku wuu xumaada
xalow kale ma wadi karo
dumar waa xuljooge
xadkii way talaaben
wanaag xeerimaayan
xagahsan ma daayan
xal u raadi kii dhaho
ayay xarow u dhaamiyan

Exit mobile version