Naftaydu inay dalxiistoo
Indhuhuna ku doogsadaan
Ayaan u daneeyay maankoo
Dadaal wayn ugu jiraaye
ALLOW darajee dhulkayga

Dagaankaan jeclaayow ducaysan
Hoy ducaysan waad na deeqdee
Dushaan kaala soconaa daliyo dibad
Waanan kuu ducaynaa

Dalow iyo alooluhu
Balad xaawa dagi karo
Dalsankeedii ceelwaa
Garbahaaray dagi karo
Ama ceelcadoo dihin
Bura aanba dagi karo
Buurdhuubana dalxiis tahay
Baardheere maan dago

Maxaa dibadaha i dhigayee
Anoo heli kara dalkaa
Duunyada maan raacda oo
Intaan wabiyada dilaacsho
Dabkiyo yaanbada is baro

Dalsankii dalkaygoo gugii da'ay
Oon ku diirsado
Naftu kaama daashee
Daliyo dibad waan ku daawadaye
DAA'IMKEEN ha kula jiro

Dalow iyo alooluhu
Baardheere dagi kara
Dalsankeedii ceelwaaq
Garbahaaray dagi kara
Ama ceelcadoo dihin
Buro aanba dagi karo
Buurdhuubana dalxiis tahay
Bakad xaawo maan dago

Exit mobile version