hadii lagu xusho haweenka qurux
aayaha edebtiyo xishood quman

ama se lagu ladhay qadarin gabadh
hanaan adigaa laguu qirayoo
marwadii qarnigaad qadraay tahay

gobaad tahay qalanjo gaariya
qoyskii ku dhalaa ahaa qaran
qaaradaad ku kortaa mid qali ahoo
marwadii qarnigaad qadraay tahay

oo heleey heleliyooy heleelay
qabawga yuba iyo hadaaftimo
oo heleey heleliyooy heleelay
buuraha galgaliyo qandala dahar
oo heleey heleliyooy heleelay
laas qoray badhanbaad u tahay qorax
oo heleey heleliyooy heleelay
sanaag quruxdeediibaad tahay
marwadii qarnigaad qadraay tahay

hadii lagu qoray murtida qalin
amaan qudha looga dhigay qodob
qiyaastii adaa u helay qayb
adaa u horeeya qayrkaayoo
marwadii qarnigaad qadraay tahay

qofkaad la dagtaa nasiibsadayoo
qaayha adigaa u madan dumaroo
qurayshtii adaa ka galay kowoo
marwadii qarnigaad qadraay tahay

Exit mobile version