Inta Qalanjo Dumar
Qurux Loo Dhameeyee
Qoran Ilaa Tin iyo Cidhib   X2

Midaan kugu Qiyaaso
Khadrooy Adiga Kula Mida
Mabay Dhalan Qarnigan
Indhahaygu May Qaban   X2

Sidaad ii Qadarisaa.
Ana Kuu Khashucoo
Qurux inaan ku Waayo
Qadar iga Maqnaataa
Way Qoomamiyo Ciil      X2

Inan Qaayo Wacanoo
Qoys Wacan Ka Dhalatoo
Qalbi Wacan Ayaa Tehe     X2

Qortaadan Dheeriyo
Qaarkaagan Kala Shuban
Lagu Jaray Qiyaasta
Qormay Aniga i deeqde
Qalbigaagan Igu Hay      X2

Sidaad ii Qadarisaa
Ana Kuu Khashucoo
Qurux inaan ku Waayo
Qadar iga Maqnaataa
Way Qoomamiyo Ciil    X2

Exit mobile version