buuraha suradbaa u dheer
hankana somalinimo
gobtuna silic bay martaa
hadana saxariir ma time

abaartuna waa sune
haduu jiro saban xumaa
waxa xiga bari samaad
sagsaaguna waa dhamaad

galool samada jiro
salkuna u aroorsanyahe
ayaan saban kula dhasho
afkaygu ma suuli karo
samada calanka ku ladhan
ayaa sanka taag i faray
adkayso samir lahow
bilaha soonka i farayee

daruuraha sixirka iyo
intaan saxalkani dul iman
samaaluhu wuxuu ahaa
naflamada ugu sanbeen
sadada tafaraariqiyo
intaan soc soc cufin
safiyo cududbuu lahaa
cadaawuhu kaga sasaan

allow solo sii bulshada
sokeeya inay yihiin
sinjiga ka midaysanoo
boqodkaba saw ma hayn
sariir lagu wada gam'aa
bana basar noo ahow
hargeysa samo wanaag
sadaada xayi u ahow

waxa xalay la ii sawiray
geyigoo nabad saaqdiyo
sareedo dadkoo ku leday
waxay sugayeena helay

buuraha suradbaa u dheer
hankana somalinimo
gobtuna silic bay martaa
hadana saxariir ma time

waxa xalay la ii sawiray
geyigoo nabad saaqdiyo
sareedo dadkoo ku leday
waxay sugayeena helay

buuraha suradbaa u dheer
hankana somalinimo
gobtuna silic bay martaa
hadana saxariir ma time

Exit mobile version