Badigood bilcaantaan
baaryaha ay ku baareen
Mana buuxdo boorsadoodee
Birigiina jiidee
Boorsada lee buuxsade
Oo la soo baxee burhaantiine.

Badigood bilcaantaa
Waa iska buundhabaan
balantood beeso lee waaye
Berigii rabtinee
boorbare iyo Barfuuun
bajin la isku soo baneehaayee

Bacdood uwaynee
Beeso inay ku qaataan
Ubaxaan banaan u aadaanee

Been koo usheegee
Aay labaryaan la buuqaan
Beesaa dileeso waa laba’ee

Hirgo lee wadaanee
iyo ayuuto sheegoo
Ebedkooda oomo lee tuugaan

Arooskii tagaanee
Alaabay ka soo xadaan
Afar irdoodka ay ku iibshaan

Exit mobile version