Asliyee abshir iyo ijaaba
Allahey ka tuugee
aamiinta noo haay

Ogaawe axdiga adkeeyo
uurkey ku yaale
oonka iga gooyee

Sida abka aada iyo xaawo
ibliis arintood ku dheeleen

Aan ahaanin is aaminkeena
abaay aan ilaashaheena

Ogaawe axdiga adkeeyo
uurkey ku yaale
oonka iga gooyee

Asliyee abshir iyo ijaaba
Allahey ka tuugee
aamiinta noo haay

Igaar aqligeyga raacee
lama uumin adoo kale

Inaan araga ahaado
wad ku dhallo waa arkeena

Asliyee abshir iyo ijaaba
Allahey ka tuugee
aamiinta noo haay

Ogaawe axdiga adkeeyo
uurkey ku yaale
oonka iga gooyee

Akhyaaran soo diraaye
afkeyga aan iska haayee

Axad iyo isniin
ayaanti ishaarta ii abaare

Ogaawe axdiga adkeeyo
uurkey ku yaale
oonka iga gooyee

Asliyee abshir iyo ijaaba
Allahey ka tuugee
aamiinta noo haay

Anoo ogleesihaaye
aabeheega anaa ku ahaade

Aqalkeena adlee imowhee
amuurta hanoo adkaate

Asliyee abshir iyo ijaaba
Allahey ka tuugee
aamiinta noo haay

Ogaawe axdiga adkeeyo
uurkey ku yaale
oonka iga gooyee

lyrics by : Abdi Abdulkadir Elephanto ·

Exit mobile version