wadnahayga doogtiyo
dakharadii jacaylkaa
intay dacal wareemeen
dalool wayn ka jeexdoo
sida wabi dur durayuu
dhiigay u daatoo
dabiib iyo wadaadiyo
ima daayo caashaqu
adigaa i daaroo
ku dahaaran seedooo
diihaalka caashaqa
dab ku shidaaya beerko

deeqooy walaaleey
waxaan doonayaayoo
daaimkana ka tuugaa
inaan dadab galnaayoo
aqal daahya wayn iyo
dagal kula haluulaa

daruuraha dhexdoodiyo
xidigaha dushoodaan
intii dayax tagaysiyo
dumar daraja dheertoo
sidaa ubax dayr boxoo
daymada u roontoo
dareen iyo kalgacalkiyo
ha igu daawan jacaylka
adigaa i deeqoo
qalbigayga dagayoo
cishqigan i daashaday
damqinaaya boogtoo

Exit mobile version