qadar dhacay canaan maleqaladna waa la sixi jiray
labada isu qalantana qaar kala dilaayoo
isu qoonsadaa jiracalaf lagama quustee
qaban qaabadaan wadayqormadii aan dagi layn
ayaan wali qorsheeyaa
wadnaha dhiiga qaadiyo qalbigaa ku tabayee
qayrkeed u rooneey qiimahaad leedahay
waa inaan qorsheeyaa qodob qodob u sheegaa
qotonka iyo joogiyo qalabkay u heesaan
qunyar socodka laafyaha markaad lugaha qaadiyo
waax yahaagan kala qoran dhexdaad qalanja moodiyo
dhuuntiyo cabaaryaha sunayaasha qalinka le
timaha dhabarka qariyiyo
qosoolkiyo jaleecada waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadariyaa hablihii qureysheed
qomkii fardawsee qofkii adi ku eegiyo
indhihii ku qaa ibay waabay kuu qushuucaan
qaadirkii ku uumaa quruxdii aduunyada
kuu siiyay qayboo laga qaadi maayee

Exit mobile version